Sunday, September 02, 2012

BERI WAA GOORMA?

Bilowgii 2010ka ayaan ku qoray magaasiin ay leeyihiin Y-Peer qormo kooban oo ka hadlaysa dhallinyarada iyo ka qaybgalka siyaasadda, anigoo isha si gaar ah ugu hayey da'da iyo siyaasadda. Haddaba imika oo laga joogo laba sannadood, waxaad moodaa in wax iska bedeleen waayihii aan ku qoray qormadaas. Markaad eegto musharixiinta goleyaasha deegaanka ee Somaliland, waxa kusoo gelaysa ididiilo ah in imika indhaha lagu hayo dhallinyarada. Waxaad moodaa in tallaabooyin loo qaaday kusoo dhawayntooda dhinaca siyaasadda. Ha ugu horeyso tallaabadii Golaha Wakiiladu ay kaga bedeleen shuruudihii da'da. Ogolaanshaha siyaasadeed ee imikuna wuu mataaneeyey. Intaas ka sokow, weli su'aasha way taagan tahay, "Beri waa goorma?" mar haddii ay hadhsan tahay dhinacyo badan  oo kale oo ay ka mid yihiin haweenku. 


Dhallinyarada waxa had iyo jeer lagu tilmaamaa in ay yihiin hoggaamiyeyaasha beri. Dhallinyarnimadana waxa lagu asteeyaa inay tahay mid ku xidhan mustaqbal iyo rajo. Aragtiyahaas si aynu u qiimayno inay yihiin af-gobaadsi iyo in ay yihiin qaar kasoo burqanaya laabo nadiif ah oo ficilkooda iyo hadalkoodu isleeyihiin, waxa lagama maarmaan ah inaynu is weydiino: beri waa goorma? Mustaqbalkuna waa goorma?

Si aan jawaab ugu helo su’aalahaas waxaan qooransaday Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Wuxuu ka turjumayaa fikirka dhabta ah ee dadkeena taladu ka go’do ay ka qabeen dhallinyarada markii ay Dastuurka qorayeen. Waxa kale oo uu ka turjumayaa sida ayna inoogu weynayn arrimaha khuseeya dhallinyarada maadaama aynu nahay kuwa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dastuurkaas. Haddaba, Dastuurkeenu kaalintee ayuu siiyay dhallinyarada inay ka galaan go’aaminta masiirkooda iyo mustaqbalkooda?

Sida dastuurku dhigayo, golayaasha qaranku waa saddex:

  1. Golaha Sharci-Dejinta: Waa gole ka kooban laba gole oo kala ah Wakiilada iyo Guurtida. Da’da ugu yar ee musharaxa loogu ogolaan karo Golaha Wakiilada waa 35 sanno ( eeg Qoddobka 41aad ee Dastuurka) halka ka Guurtidu ka yahay 45 sanno (eeg Qoddobka 59aad ee Dastuurka).

  1. Golaha Xukuumadda: Waxa golahan hoggaamiya Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku Xigeenka oo labadaba uu dhigayo dastuurku in ay yihiin ugu yaraan 40 sanno jir (Qoddobka 82aad ee Dastuurka). Waxa kale ee hoggaanka sare soo weheliya raxan wasiiro ah iyo ku xigeeno oo sida Qoddobka 94aad ee Dastuurku dhigayo loo eegayo shuruudo la mid ah kuwa loo eego Golaha Wakiilada – macnaha da’da ugu yar ee golahani waa 35 sanno jir.

  1. Golaha Cadaaladda: Golaha Cadaaladda waxa ugu sareeya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Dastuurku ma dhigayo shuruud da’ ku salaysan oo ku xidhan qabashada xilkaas. Laakiin, shuruuda ah in xilkaas lagu aamini karo oo keliya qof soo dhamaystay waxbarasho heer jaamacadeed ah iyo tobban sanno oo khibrad ah ayaa ka dhigaysa qofkaas mid aan ka yarayn 32 sanno (6 sanno oo waxbarashada ka horaysa + 16 sanno oo wax barasho ah + 10 sanno oo khibrad ah).

Waxa laga yaabaa in akhriste aad ka fikirayso da’da ugu yar ee lagu geli karo Golaha Degaanka oo laga yaabo inuu u muuqdo Golaha kuugu dhaw ee laga qayb-geli karo. Inkastoo da’ ku qoran dastuurku aanay jirin, laakiin da’da ugu yar ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Degaanka qodobkiisa 33aad wuxuu dhigayaa 35 sanno.

Inkastoo ay ka baxsantahay ujeedada maqaalkan in uu cayimo da’da looga jeedo dhallinyar, haddana waxa su’aashu tahay da’dani maxay macno leedahay?

Guud ahaan, dadka ku nool dhulkii la odhan jiray Soomaaliya, hay’adda Sirdoonka Maraynkanku (CIA) waxay ku qiyaastaa noloshooda (waa waxa afka qalaad lagu yidhaahdo life expectancy) inaay tahay 49 sanno (https://www.cia.gov/library/publications/the-world-factbook/geos/so.html). Taas oo macnaheedu yahay in ay bulshadeena ku qaadato ugu yaraan 34 sanno inay ku diyaariyaan hoggaamiyeyaasheeda kaalin mug leh ka qaadan kara horumarka dalka iyadoo baddankiisa aanu cimri ku simin in ka badan 15 sanno ah oo ay ummada uga adeegi karaan dar mug leh. Haddii qofka ay ku cusub tahay golayaasha siyaasadda ee muhiimka ahi, muxuu ku qaban karaa 15 sanno?

Inkastoo sawirkaasi uu yahay mid cabsidiisa leh, haddana su’aashu waxay tahay miyeynu u garbo-duubanahay in xaaladu sidaas ahaato weligeed? Ma jirtaa fursad is-bedel?

Xeerarka dalka ee fursadahaas ka xanibaya dhallinyarada da’da yar ee gudan lahayd xilal qaran oo ka culus inta imika ahaan u bannaan ayaa isla mar kale bixinaya fursad. Ka qaybgalka aaasaasiga ah ee siyaasigu waa xaqqa in muwaadinku codeeyo oo uu doorto siyaasiyiinta iyo weliba xeerarka loo qaadayo aftida dadweynaha. Nasiib-wanaag, xaqaas waxa muwaadinku ku helayaa 16 jir. Fursadaas marka lagu mataaneeyo fursadda ah in dhallinyar badan oo ka yar 35ka isla markaana leh xaqqa codaynta ayaa waxay u saamixi kartaa in dhallinyaradu helaan dariiq siyaasi ah oo ay u maraan ka qayb-galka tallada dalka.

Hore ayaa loo yidhi “beri ma dhammaato.” Laakiin dhallinyaradu waa inay cadaysaa in beridii la sheegayey la gaadhay maanta.

No comments:

Post a Comment