Saturday, March 31, 2012

Guryo-Noqoshadii Qaysar

Qore:

Mukhtaar Xasan Maydhane
31kii Maarso, 2012

Qaysar wuxuu kusoo beegmay goor jabhad ka mid ah kuwii uu hogaaminayey dilayo saaxiibkii. Waa mar la legdaday saaxiibkiisii dad ugu dhawaa. Wuxuu dhuftay jabhadkii isagoo ku qaylyay. Hadal laguma soo celin. Jabhadkiina wuu kasii jaqaafiyey. Labadii saaxiibada ahaa ayaa isku keliyeystay. Gacantuu u fiiqay saaxiibkii si uu dhulka uga soo kiciyo. Saaxiibkii wuu soo laacay. Wuxuu saaxiibkii ku yidhi Qaysar, “Ina mari aan hoyanee. Cidina wax ku yeeli mayso. Anigaa jooga oo kaa difaaci.”


Saaxiibkii wuxuu u yimid mar ay is weerareen ciidamada booliska ee Maraykanka. Wuxuu hoggaamiyey koox kacdoon ka dhex samaysay magaalada San Francisco. Kooxdu waxay soo jabsadeen xabsi ay ku xidhnaayeen waxayna cagta mariyeen cid kasta oo isku dayda inay joojiso. Markay neecawda xorriyada uriyeen, waxay markiiba beegsadeen meelihii kale ee ay ku xidhnaayeen kuwa la midka ahi. Wuxuu u tilmaamayey waajibka ka saaran xorreynta walaalahood. Wayna ku wada guulaysteen furashadooda iyadoo aanay gaadhin khasaare ba'ani.

Si fudud ugumay suurtoobin inuu hawsha baaxadaas le'eg u guntado. Wuxuu u galay dedaal adag. Waxana kasoo gaadhay niyad jabyo farabadan. Ugu horreyn, waxa lagu soo xidhey kadib markii uu u gurmaday aabaha saaxiibkii. Odayga waxay isla murgeen nin ay jaar ahaayeen. Markiiba ciidan ayaa la wareegay Qaysar oo xabsi gaar ah ku xidhay. Ku darsoo, hooyaddii waxay u dhimatay dawo lagu tijaabiyey oo maskaxda wax u tarta. Waxa kale oo dawadu saamayn lahayd in ay badinaysay cadhada iyo dagaalka. Markii ay si adag uga jawaab celisay dawadii ayaa nin waardiye ahi toogtay. Taas waxa kasii daran markii uu cidleeyey saaxiibkii: waa markii uu xidhnaaye. Wuxuu jeelka dhexdiisa ku sawirtay daaqad la mid ah tii guriga, boholyow dartii. Saaxiibkii laakiin meesha kama saarin, wuuna ka waayey hiilkii uu rabay xataa saaxiibkii isagoo og in la jidh-diley. Wuu ka quustay noloshii uu arkay ee saaxiibkii iyo qoyskooda uu ka tirsanaa. Waxana u bilaabantay nolol kale oo ay tahay inuu saaxiibtinimo iyo is faham la wadaago koox aanay meel wada socon iskuna akhlaaq ahayn.

Kartidiisa ku saabsan la shaqaynta kooxdaas ma ahayn mid la filayo inay muujiso ididiilo badan sababtoo ah weligiiba ma dhex gelin kuwan oo kale. Maalintii ugu horreysay ee uu kusoo biiraba waxa loo dhigey cashar adag oo ku dhisan nin-iyo-naftii. Qabqable kooxda ka mid ah ayaa markiiba si xun u garaacay. Isagu waa nin nabadeed; ninkan kalena, waa nin casharada adag ee jeelku bareen xoog ku noolaansho. Malaha, qabqabluhu wuuna u dhashay sidan. Waxa kasoo gaadhay askartii jeelka oo labadoodaba irbado suuxdin ah ku taagay. Dagaalkaasina halkaas ayuu ku dhammaaday.

Laakiin Qaysar kama go'in inuu u fikiro kooxdan. Wuxuu kaga baxay qolkiisii si tuugo ah isagoo soo furtay kii ugu weynaa meesha oo lagu xidhay qol gooni ah. Inta uu ka furay ayuu hurdadana ka toosiyey saaxiibkan cusub. Saaxiibkii markiiba mijo-baxsi uu hammuun dheer u qabay ayuu u kicitimay. Haddana, Qaysar wuxuu ka furay irida kii ugu qabqableysnaa. Kii irida laga furay wuxuu u qaatay in qalad ay ku furantay. Markuu soo baxayna, daasad ayuu ku ga-gabiyey. Barxaduu keenay. Hanjabaad laba geesood ah ayaa lagu ligay qabqablihii. Haddeed kooxdan cusub ayuu ku biiray. Waxase aan weli la gaadhin waa bulshadii rayidka ahayd. Maalintii dambe, nin odey ah oo cirrada iska mariya xine, ayuu la fadhiistay. Wuu hoga-tusaaleeyey. Wuxuu soo qaatay ul, markaasuu jebiyey. Haddana labadii gobol ayuu isku qabtay, markaasuu jebiyey. Ugu dambayn afartii ulood ayuu isku qabtay oo isku dayey inuu jebiyo, laakiin way socon weyday. Odayga uu u waramayaa waa indheer-garad. Wuu fahmay xikmaddu halkay daaran tahay. Mana aha nin xikmad uu fahmay dhayal kudhaafee, wuu fuliyaa. Qaysar iyo kooxdiisii waxay iskugu yeedheen dadweynihii. Fagaarihii xorriyada ayuu ugu khudbadeeyey. Waana halkay ka dhalatay jabsiga jeelka iyo dariiqii dheeraa ee loo maray.

Qaysar in yar ayuu ka aamusay saaxiibkiisii ugu yaboohay guryo-noqoshada. Dabadeed, inta uu tallaabo dhiman soo qaaday ayuu dhegta afka u saaray isagoo gacantana kaga haya qadaadka, hadal gaaban ugu celiyey, “Qaysar gurigiisii wuu joogaa.”

Haddii aan kuu sheego in sheekadani tahay mid khiyaali ah, waa wax aan yaab badan lahayn. Balse ka waran haddii aan kuu sheego in Qaysar yahay daanyeer? Sheekadu waa filim cusub oo Hollywoodku soo saaray oo la magac baxay “The Rise of The Planet of Apes,” oo macnaheedu u dhigmi karto, “Kacdoonkii Dunidii Daanyeerada”.

Ma aha markii ugu horreysay ee khiyaalka aadamuhu doolaalo ku gaadho ka hadashiinta iyo xikmad-u-yeelida xayawaanka. Waxay soo taxnayd qarniyaal. Tusaaleyaasha buugta caanka noqday ee ku dhisan khiyaalo u dhaw kuwan oo kale waxa ka mid ah Gulliver's Travels (Socdaaladii Gulliver) oo Jonathan Swift qoray 1726kii(1). Socdaalada Gulliver waxa ka mid ah mar uu gaadhay Caradii Houyhnhnms (Waa carro fardo ay ka taliyaan aadamuhuna ka yahay sida xayawaanka). Tusaaleyaasha dhawaa ee qarnigii tegay waxa ka mid ah Animal Farm (Beerta Xayawaanka) oo uu qoray George Orwell 1945kii(2). Waa sheeko ku saabsan kacdoon xayawaan ku qaadeen beertii ay deganaayeen, aadamihii lahaa beertaasna bannaanka dhigeen. Hollywoodka laftiisa ma aha markani markii ugu horreysay ee filimo badan ayaa hore u jirayey. Laakiin, kani wuxuu la bah yahay filimo la magac baxay “The Planet of Apes” ama “Dunidii Daanyeerada”. Filimadaasi waxay ka siman yihiin in daanyeerku caqli leeyahay, mararka qaarna uu ka awood iyo garaad badan yahay aadamaha.

Sheeko kasta oo khiyaal ah, haku saabsanaato xayawaan caqliga aadamaha oo kale leh ama wax kaleba, waa mid laga rabo inay fikir xambaarto. Tusaale ahaan, Socdaaladii Gulliver waxyaabaha laga faa'iideysan karo waxa ka mid ah in dunidu aanay wada ahayn sidaad u haysato awoodaha noolayaashuna ay yihiin wax ay adagtahay inaad ku fahamto adigoo fadhiya kursigaaga. Dhanka kale, Beerta Xayawaanka casharada laga korodhsaday ee ugu caansan waxa ka mid ah sida kacdoon kastaa u bahdilo kuwii dhaliyey ama si aan la dareemi karin looga durko xeerarkii kacaanka, sidii loogu bedelay xeerkii ahaa “Xayawaanka oo dhami way siman yihiin,” mid kale oo ah, “Xayawaanka oo dhami way siman yihiin, laakiin qaar baa aad usii siman.”

Filimkan ku saabsan Qaysar kama duwana kuwaas hore marka la eegayo in farriimo ka dambeeyaan iyo in kale. Farriimuhuna waxay ku xidhan yihiin kolba akhristaha, daawadaha, ama dhegaystaha. Qaysar casharo dhawr ah ayaan ka baran karnaa. Qaarkood yihiin kuwa ay tahay in Qaysar (waa daanyeerkaase) aynu ka eegano; qaarna yihiin in Qaysar aynu kaga duwanaano (illeyn waa daanyeere).

Qaysar waxa laga eegan karaa qiimaha weyn ee uu siiyey midowga isagoo la diyaar ahaa inuu ku waayo naftiisa – ruux, qab iyo karaamo wuxuu leeyahayba. Markii uu laaluushay saaxiibkii waardiyeyaashii jeelka, wuu iska diidey inuu raaco. Qaysar wuxuu bilaabay baadigoobka midowga isagoo la bah-diley oo faciisa oo dhan lagu hor garaacay. Dunida daanyeerkana, dilmadaasi waxay ka dhigantahay isagoo ogolaanaya in la riciyadaysto. Marka labaadna, ujeedada fog ee ku dhalatay waxay saamaxaad u fidisay kuwii bah-dilkaas ku sameeyey oo aanu markaas u arag cadaw. Waana markaas oo kale marka daanyeerka Qaysar aad ka doorbidaysid aadamaha qaar.

Qaysar waa hoggaamiye bartay dadkiisu waxay ku fiican yihiin iyo waxa kale. Mar ay ciidamada booliska iskaga horyimaadeen biriijka weyn ee Golden Gate Bridge ee ku yaala San Francisco, wuxuu amray kooxdiisii qaar inay fuulaan rukunada dhaadheer ee biriijka oo ceeryaani qarisay baarkooda, qaarna hoosta ka maraan biriijka oo sida shabaqa u leh meelo daanyeerku leexada isugu gudbi karo. Wuxuu amray in bas meesha yaalay la riixo oo lagu jiido kuwa rasaasta kusoo furaya. Dabadeed qaylo ayuu ugu dhuftay ciidamadiisii dusha saarnaa iyo kuwii hoosta soo marayba. Kabtaydii mee ayaa ku dhacday booliskii. Waa boolis loo tababaray inay la dagaalamaan aadame ee ma qaar daanyeer loo tababaraa? Tanina waa cashir laga baran karo in qolo kasta leedahay wax ay dheer tahay cid kasta oo kale; haddii ay fahmaan arrintaasna ayka awood roonaan karaan kuwa kasoo horjeeda.

Qaysar si kasta oo uu u yahay hoggaamiye iyo dagaal-geliye, haddana waa mid nabadda jecel. Malaha dhuuxay kaga jirtaa. Markay soo jabsadeen jeelka, laba waardiye oo ilaalinayey ayuu isku dayey inuu labadaba badbaadiyo. Wuu xidhay midkood. Kii kalese, nasiibdarro, wuxuu isku dayey inuu bir maaso wadata ku suuxiyo kooxdan. Isagoo is dufaacaya ayuu biyo ku saydhay oo maasadii iyo biyihii halkaas ku dileen waardiyihii. Wuu ka uur-ku-taalooday. Hoggaanka aan nabad-jeclayni waa horseedka halaaga. Qaysarna sifadaas wuu ka dheregsan yahay.

Qaysar waxaan lagaga dayan karin in hiddo uu ku helay dawo kordhisa maskaxdu siday u fikirayso. Taasi waxay keenaysaa in guusha loo nisbeeyo ciddii marka hore dawada siisey. Aadamuhu maskaxda ay kusoo dhashaan waa isku wada mid (wuu jiraa farqi shakhsiyeed; ku umadeed ama diimeed ma jiro). Inkastoo wixii farsamo ah ee lagugu dhaamo in lasoo qaataa ay wanaagsan tahay, laakiin ma haboona inaad ku tiirsanaato cid kaa baxsan oo haddii ay kaa goyso hadhaw kugu adkaan karto noloshu.

Qaysar waxa kale ee aan lagaga dayan karin in la sugo goorta fikirkaasi kugu dhalanayo inay noqoto marka cid waliba ku dayriso. Halka Qaysar jeelku u noqday goob uu ku xuub-dilaacsado, ma aha qofka aadamaha ahi inuu sugo ilaa inta dhiilo kasoo gaadhayso nidaamka uu ku nool yahay. Waxa kugu filan dhiilada haysata jaarkaaga, magaaladaada, gobolkaaga, dalkaaga iyo dunidaadaba.

Ugu dambayn, waxaan is-weydiinayaa, ruwaayaddii Nebi Daanyeer ee uu qoray Xasan Sheekh Muumin (Allaha u naxariistee) khiyaalkeedu halka uu u foofay maadaama oo aanan qoraalkeeda ama bandhig laga sameeyey midna aanan weli arag? Markase aad eegto magaca ruwaayadda, waxaad dareemaysaa in marxuumku galay hayaan dheer. Ciddii taqaan ruwayaadaas ayaanan ka rajaynaynaa inay soo bandhigaan.

Xigasho

Xigashadan waxaan kusoo koobay meelaha laga heli karo inta ugu yar ee aan anigu kasoo qaatay. Haddii qofku rabo inuu aad u baadho, waa inuu buugtaas akhristo ama filimada qaarka aan sheegay daawado.

  1. Wikipedia (oo aan ka eegay maanta): http://en.wikipedia.org/wiki/Animal_Farm
  2. Wikipedia (oo aan ka eegay maanta): Planet of Apes http://en.wikipedia.org/wiki/Planet_of_the_Apes_(2001_film)

No comments:

Post a Comment