Tuesday, September 04, 2012

Notice of Move

Dear Reader,
Thank you very much for being involved and connected to this blog. I am sorry to inform you that this blog will not be updated as of today. You will find my new blog at www.maidhane.wordpress.com.

Thank you once again for being engaged.
Mukhtar H. Maidhane

Ogeysiis Guuris

Waad ku mahadsan tahay booqashadaada. Boggan, laga bilaabo maanta, wixii qoraal ah ee cusub laguma soo kordhin doono. Wixii qoraal ah ee dambe, waxaad kala socon doontaan: www.maidhane.wordpress.com.

Mahadsanidiin.
Mukhtaar Xasan Maydhane

Sunday, September 02, 2012

BERI WAA GOORMA?

Bilowgii 2010ka ayaan ku qoray magaasiin ay leeyihiin Y-Peer qormo kooban oo ka hadlaysa dhallinyarada iyo ka qaybgalka siyaasadda, anigoo isha si gaar ah ugu hayey da'da iyo siyaasadda. Haddaba imika oo laga joogo laba sannadood, waxaad moodaa in wax iska bedeleen waayihii aan ku qoray qormadaas. Markaad eegto musharixiinta goleyaasha deegaanka ee Somaliland, waxa kusoo gelaysa ididiilo ah in imika indhaha lagu hayo dhallinyarada. Waxaad moodaa in tallaabooyin loo qaaday kusoo dhawayntooda dhinaca siyaasadda. Ha ugu horeyso tallaabadii Golaha Wakiiladu ay kaga bedeleen shuruudihii da'da. Ogolaanshaha siyaasadeed ee imikuna wuu mataaneeyey. Intaas ka sokow, weli su'aasha way taagan tahay, "Beri waa goorma?" mar haddii ay hadhsan tahay dhinacyo badan  oo kale oo ay ka mid yihiin haweenku. 


Dhallinyarada waxa had iyo jeer lagu tilmaamaa in ay yihiin hoggaamiyeyaasha beri. Dhallinyarnimadana waxa lagu asteeyaa inay tahay mid ku xidhan mustaqbal iyo rajo. Aragtiyahaas si aynu u qiimayno inay yihiin af-gobaadsi iyo in ay yihiin qaar kasoo burqanaya laabo nadiif ah oo ficilkooda iyo hadalkoodu isleeyihiin, waxa lagama maarmaan ah inaynu is weydiino: beri waa goorma? Mustaqbalkuna waa goorma?